Ciidamadda Kenya Oo Xalay Raaf Ka Sameeyay Maandheera.

2010-03-15

 Wararka ka imaanaya Magaaladda Maandheera ee Dalkani Kenya ayaa sheegaya in ay halkaas ka bilowdeen howl galo ay Ciidamadda Kenya ku ugaarsanayaan Soomaalida aan Sharciga laheyn ee Magaaladaas ku sugan.

Ciidamadda Kenya ayaa Xalay Fiidkii halkaas howl galo ka bilaabay iyagoo gudaha u galay goobo baddan oo isugu jira Hoteelo,Guryo iyo Goobaha xilliga Caweyskiiya lagu Caweeyo sida WaryaTv ay u xaqiijiyeen Dad goob jooyagaal ahi.

Magaaladda Maandheera oo ku taala Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara baddan oo si Sharci daro ah ku soo galay Magaaladaas.

Sikastaba ha ahaatee howlgalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Magaaladda Maandheera ay ku soo badanayaan Burcadda Afduubta Gaadiidka kuwaasoo ula dhaqaaqa dhinaca Soomaaliya.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com