Obama Oo Loogu Baaqay Innu Wada Hadal La Galo Islaamiyiinta Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama ayaa loogu baaqay inuu wada hadal la furo islaamiyiinta Somalia ee dagaalada kala horjeeda dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Quburo Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ku booriyey madaxweyne Barak Obama inuu joojiyo taageero dhinaca milatariga ah oo uu siiyo dowladda KMG ah taas badalkeedana uu wada hadal la furo islaamiyiinta Somalia.
Urur aan dowli aheyn oo ay ku jiraan quburo Soomaali iyo ajnabi ah islamarkaan qaabilsan xiriirka arrimaha dibadda ayaa sheegay inay haboon tahay in madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama uu wada hadal la galo islaamiyiinta Somalia intii uu dowladda KMG ah ku gacan siin lahaa dagaalka.
"Wada hadal lala galo islaamiyiinta wuxuu baajin karaa dhiig fara badan oo la daadiyo, xalka Somalia kuma jiro talaabo Milatari oo Mareykanka uu ka geysto gudaha Somalia" ayaa lagu yiri war bixinta ay soo saareen quburada Soomaaliga iyo ajnabiga isugu jira.
Waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in islaamiyiinta Somalia ay wada hadalka ogolaadaan taas oo ay sheegeen inay baajin karto dhibaatada kasocota gudaha dalka Somalia, waxaana ay dowlaha Mareykanka iyo Somalia ugu baaqeen inay wada hadalka xoogga saaraan.
Si kastaba ha ahaatee baaqaan loo jeediyey madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey weeraro dhinaca cirka ah oo ay dowladda Mareykanka ka fuliso gudaha dalka Somalia inkasta oo markii dambe ay arrintaas beenisay.
WaryaTv Nairobi-Kenya









