Saraar Oo Saaka Dagaal Ku Waabariistay iyo Faah Faahinta Dilkii Ka Dhacay Xalay Burco
Caynaba (Waryatv.com), Dagaal fool ka fool ah oo saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Saraar gaar ahaana magaalo madaxda Caynaba nawaaxigeeda, dagaalkaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay koox Dablay ah oo xalay dil u gaystay sarkaal ka tirsan ciidaanka milatariga ee gobolka Togdheer.
Kooxda dablayada ah ayaa iska caabin xoogle kala hor-tagtay cutub ka tirsan ciidanka qaranka
Dagaalkan ayaa waxa uu ka qarxay gobolka Saraar gaa rahaana Bali-Caraale, ilaa hada sida ay noo sheegeen warar xogogaal ahi ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalkan waxaa noo xaqiijiyey saraakiil sar sare ka tirsan ciidaanka qaranka oo ku sugan jiida
Ilaa hada si toosa gacanta looguma soo dhigin kooxda dilka u gaystay sarkaalka.
Dilka sarkaalkan ayaa magaalada Burco waxaa si weyn looga dareemay saaka markii uu waagu baryey, waxaana hada magaalada Burco nawaaxigeeda lagu wareejiyey qaybo ka mida ciidanka booliska oo kaashanaaya kuwa milatariga.
Dhanka kale dablayda dilka u gaystay sarkaalka ayaa la sheegay inay isku qaraabo yihiin, sababta uu dilka u dhacayna ay ahayd aano qabiil.
Reported by:-
Ibrahim Abdirahman Qaasim
Qaasim
Ibrahimqasim@waryatv.com









