Dowladda Iyo Ahlu Sunna Oo Heshiis Wada Saxiixanaya.
Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopi-ya ayaa waxaa ka soconaya u diyaar garowga Heshiis ay halkaas Maanta ku kala Saxiixanayaan Dowladda FKMG ee Soomaaliya iyo Urur Diimeed-ka Ahlu Sunna Waljameeca.
Heshiis-ka ayaa dhinaca Dowladda waxaa ka socda Wafdi uu Hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shamaake,waxaana dhinaca Urur-ka Ahlu Sunna Waljameeca u matalaya Wafdi uu hor kacayo Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheikh Xassan.
Heshiiskaan ayaa haddii uu qabsoomo waxaa awood helay Dowladda KMG ah ee Qeyb Kooban oo ka mid ah Magaaladda Muqdisho iyadoona gacan ay siin doonaan Ahlu Sunna oo Gacanta ku haya Goboladda Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya qaar.
Sikastaba ha ahaatee Heshiiskaan ayaa waxaa goob joog ah Midowga Africa,Urur Goboleed-ka IGAD iyo Mas'uuliyiin kale oo ka socota Caalamka.
WaryaTv Adis Ababa-Ethiopia









