David Beckham Oo Riyadiisii Ka Qeyb Galka Koobka Aduun-ka Beenowday.
Waxaa meesha ka baxday Hami ku jiray Ciyaar yahanka Reer England David Beckham taasoo ahed ka qeyb galka Koob-ka Aduun-ka ee Sanadkaan 2010-ka ka dhacaya Dalka Koonfur Africa,markii uu dhaawac xoogan ka soo gaaray Ciyaar xalay dhex martay Kooxda uu u dheelo ee AC Milan iyo Naadiga Chievo.

David Beckham ayaa aad ugu faraxsanaa ka qeyb galka Koob-ka Aduunka markiisa 4-raad isagoona Record-ka u qaadi lahaa England noqon lahaana Ciyaaryankii ugu horeeyay oo Qarankaas u Safta 4-sano ee xiriir ah.

Waxaa ay u egtahay xilligaan in David Beckham uusan ka qeyb galeynin Koob-ka Aduun-ka ee dhawaan ka furma Koonfur Africa,isagoona Ciyaartiii Sanadkii hore ee noqnayso tii ugu dambaysay oo uu u dheelo qarankiisa.

David Beckham oo Xalay lagu dhaawacay Ciyaar ay la dheelayeen Chievo ayaa ilmeeyay xilliga uu dhaawaco soo gaaray iyadoona ay niyad wada jabtay kumanaan Taageerayaasha Reer England ah.
WaryaTv Sports









