Madaxweyne Shariif Oo Dib Ugu Laabtay M/Muqdisho

2010-03-15

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ka dib markii ay Safro kala duwan ku soo mareen Dalalka Ingriis-ka,Imaaraad-ka,Ethiopi-ya iyo Kenya oo Safarkooda ku soo afmeereen.

Sheikh Shariif iyo Wafdiga uu horkacayo oo ka degan Garoon-ka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ayaa Madaxtooyadda waxaa u galbiyay Gaadiidka Qafilan ee Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee Madaxweynaha ayaa la filayaa innuu ka warbixiyo Safarrdii ay ku tageen Dalalkii aan kor ku soo xusney ee ay Casumaada ka heleen.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com