Xildhibaan Ka Tirsan Dowladda KMG Oo Isku Casilay Bosaso.
 Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa iska Casilay Xilkii uu u hayay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya sida uu ku sheegay Shir Jaraa'id oo uu Maanta ku qabtay Hotel Jubba ee Magaaladda Bosaso.
Siciid Xassan Shire oo ah Xildhibaan-ka is casilay ayaa sheegay innuu xilka baneeyay markii uu arkey in Dowladda KMG ahi ay ka soo bixi weyday Balamihii ay u qaaday Ummadda Soomaaliyeed,ayna xal u weyday Nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay lumisay kalsooniddii Shacabka Soomaaliyeed iyadoona waxyaabo khaldan ku kacday buu yiri oo ay ka midtahay dhul Badeedkii ay damacdey inay iibiso.
Sikastaba ha ahaatee Iscasilaadda Xildhibaankaan ayaa ku soo aadaysa Xilli Puntland ay gaareen Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG oo Degaan ahaan ka soo jeeda Puntland.
WaryaTv Bosaso-Somalia









