Kulanka Adis Ababa Oo La Qaadacey Iyo Culimo Loogu Baaqey Inay Ka Qeyb-Galaan Ama Xabsiga La Dhigayo.
Culimaa'udiin ka tirsan Urur-ka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa goor dhaweyd ka soo horjeestay Heshiis-ka Dowladda iyo Ahlu Sunna uga soconaya Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopiya sida ay sheegeen Xubno ka tirsan oo goor dhaweyd Shir ja'aaid ku qabtay Hotel Barakat ee Magaaladda Nairobi.
Shirka Jaraa'id oo ay goor dhaweyd qabteen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Urur-ka Ahlu Sunna Sh: Xassan Sheikh Cabdi (Qoryooley) iyo 4 ka mid ah Gudoomiye ku xigeenadda ayay ku sheegeen inaysan taageersanayn Shirkaas isla markaana Xubnaha ka socdaa aysan Matalin dhinacooda.
Sheikh Qoryooley ayaa sheegay in Kulanka Adis ababa ka socdaa uu yahay mid lagu kala jabinayo Urur-ka Ahlu Sunna Waljameeca ayna ka soo horjeedaan Culumadda Ahlu Sunna Meel Walba oo ay joogaan.
Waxaa uu intaas ku daray in Shirka aysan soo abaabulin Dowladda KMG ah ee Soomaaliya balse ay soo abaabuleen Dad ka soo horjeeda hor marka iyo Guusha Urur-ka Ahlu Sunna waa sida uu hadalka u dhigaye.
Qoryooley ayaa sidoo kale sheegay in Sheikh Macalin Maxamuud Sheikh Xassan uu yahay Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca balse aysan ayagu ku taageersanayn kulanka uu ka qeyb galayo.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Sheikhu inay jiraan Culimo lagu qasbay ka qeyb galka kulanka oo loogu han jabay in ay ka qaab galaan kulanka haddii kale Xabsiga la dhigayo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalkaan qaadacaada ah ayaa ku soo aadaya Xilli Magaaladda Adis ababa Maanta lagu wado in ay heshiis kama dambeys ah ay ku kala saxiixdaan Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
WaryaTv Nairobi-Kenya









