Ogaden Youth Network of North America
2010-03-15
Ururka
Isku Xidhka Dhalinyarada Ogadeniya ee Waqooyi America (Ogaden Youth
Network of North America) ayaa magaalada Minneapolis Maalintii Axada
ee March 14, 2010 ku soo gabagabeeyey shir socdey 3 maalmood ee Jimce,
Sabti iyo AxadShirkan oo ay ka soo qabygaleen xubnaha
Dhalinyarada ee Gobolo badan oo ka mid ah cariga Maraykanka, sida San
Diego, Denver, Seattle, North Dakoda iyo Minnesota. Sidoo kale waxaa
wadanka Canada ka soo kicitimey Xubno ka mid ah Ururuka Dhalinyarada
Ogadeniya ee Canada (Ogaden Youth Network of Canada).
Kulankan oo aad u balaadhnaa oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa maalintii Sabtida ka soo qaybgakey dadweyne aad u fara badan oo isagu jira Jaaliyada Ogadeniya iyo kuwa jamhuriyada Soomaiya, sidoo kale waxaa shirka ka soo qayb galey marti sharaf lagu soo casuumey shirkan oo ay ugu horeeyaan mas'uuliyiinta jaaliyadaha Ogadeniya iyo qaar ka mid ah xubnha JWXO ee ka hawlgala Waqooyi Amerika oo halkaas ka soo jeediyey khudbado taariikhi ah iyo talooyin ku aadan Dhalinayarada.
Dhinaca kale, mas'uuliyiinta ururada dhalinyarada ayaa madasha shirka ka soo jeediyey warbixino meeo badan taabanaya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in dhalinyaradu u hanan lahayd kaaliinta kaga aadan halganka loogu jiro aaya katalinta shacabka Ogadeniya.
Dhalinyarada ka soo qaybgashey kulankan ayaa goobtii shirka ka soo jeediyey suugaan iyo majaajilooyin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen gabayo lagu qaadayo luuqada English-ka oo ay halkaas ka soo jeedisay Gabadh aad u da'yar oo ka soo soo safartey wadanka Canada. Gabaygaas oo dadkii goobta fadhiyey ku abuurey xamaasad iyo qiiro wadaninimo.

Ujeedada shirkan oo ahaa is barashada Dhalinyarada iyo qaabkii ay u wada shaqeyn lahaayeen ayey dhalinyaradu si gooni ah arimahaas ugu gorfeeyeen maalmihii Jimcah
Some members of OYN North America
Some members of OYN North America

Abdirizaaq ( Duqbilow )
WaryaTv Mineapolise









