Madaxa Al-Shabaabka oo Fariin Dar daaran ah u Direy Cidamada Mujaahidiinta ee Al-shaabab

2010-03-15

Hogaanka ugu Sareeyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr, oo fariin dardaaran xambaarsan oo Cajal ah u soo direy Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayadoona fariinta dar daaranka ah uu kaga hadlay Marxalada adag ee haatan lagu jiro.

 

Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayaa waxaa farintisa  dardaaranka ah kamid ahayn in ay Cidamada Mujaahidinta ay gutaan waajibaadka adag esaaran ayadoona uu sheegay in ay muujiyaan samir iyo dulqaad si ay u gaaraan  hadafkooda.

                                                                                                             

Dhanka kale Sheekh Abu Zubeyr  ayaa waxaa uu sheegay in ay Cidamada ay muujiyaan samir iyo dhabar adeeg ayadoona uu sheegay in ay asxaabihi ay muujin jireen samir iyo dulqaal ayna ku fikiri jireen sidii ay u raali galin lahaayeen allah ayuu ku yiri fariintiisa Sheekhu ayanoona loogaga baahan yahay in ay cidamada sidasi muujiyaan, sidoo kale waxaa uu sheegay waana inay adeecaan awaamiirta mas'uuliyiintooda" ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr hogaamiyaha Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

 

Dhinaca kale fariinta dar daaranka ah ee uu soo direy hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxaa ay ku soo begmaysaa xili ay dagaalo adag oo soconayay mudo dhan sadex maalmood una dhaxeeyay Xarakada Al-shabaab iyo Dowladda KMG ah ee uu Madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed  

Warya Tv Muqdisho

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com