Dowladda Yamen Oo Xafiis Ka Furanaysa Jamhuuriyadda Somaliland

2010-03-15

 Downaldda Yamen ayaa Xafiiska ka furanaysa Magaaladda Hargaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland iyadoona Maanta Magaaladda Hargaysa ay gaareen wafdi ka kooban 4 Xubnood oo ka socda Xukumadda Yamen.

Wafdigaan ayaa waxaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyagoona ka wada hadlay Arrimo baddan oo quseeyay labadda Dowladood.

Ila Wareedyo ka agdhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa WaryaTv u xaqiijiyay in Wafdiga iyo Madaxweyne Riyaale ay ila jeex jeexeen Arrimo baddan oo ay ka midyihiin Xoojinta Xiriir-ka labadda Dal iyo Furitaanka Xafiis ay leedahay yamen oo lagu furo Magaaladda Hargaysa.

Isku soo wada duuboo Xafiiskaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Dowladda Yamen ay ka furato Jamhuuriyadda Somaliland.

WaryaTv Hargaysa-Somaliland

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com