Nin-kii Aduunka Ugu Gaabnaa Oo Aduun-ka Ka Haajiray.
Warar duul duul ah oo Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv ay ka heshay Kooxda Buuga lagu daabaco mucjisooyin-ka Aduun-ka ee Guinness World Records ayaa sheegaya in uu geeryooday Ninkii Ragga Caalam-ka ugu gaabnaa.
Nin-kaan oo u dhashay Dalka China laguna Magacaabi jiray He Pingping ayaa Aduunyadda ka haajiray Markii wadnaha looga soo booday.
He Pingping ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaala Magaaladda Roma ee Dalka Talyaaniga markii loola cararay halkaas sabtidii.
Awgaabkaan ayaa Sanadii 2008 waxaa loo aqoonsaday Ninka Aduunka ugu gaaban isagoona si toos ah loogu daray Magaciisa Buuga Mucjisooyinka Caalamka.
Isku soo wada duuboo Ninkaan ayaa horay ula kulmay Ninka Aduunka ugu dheer iyo Naagta ugu dheer iyadoona uu geeryooday xilli uu isku diyaarinayay tartan uu la gali rabay Nin isna gaaban oo u dhashay Dalka Nepal.
WaryaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com









