Ethiopi-ya Oo Sii Deysay Sarkaal Iyo Xildhibaano Ka Tirsan DFKMG
Labo kamid ah xildhibaanada Barlamaanka KMG ah oo in muddo ah ku xirnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka ismaamulka Soomaalida ayaa dib u helay xoriyadooda kadib markii ay sii daysay dowladda Ethiopia.
Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xasan oo kamid ah xildhibaanada Barlamaanka ayaa xaqiijiyey sii deynta labada xildhibaan oo uu wehliyo sargaal katirsan ciidanka dowladda, waxaana uu sheegay in xildhibaanada la sii daayey oo ay dib u heleen xoriyadooda xalay fiidkii.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada la sii daayey ee u xirnaa dowladda Ethiopia ay kala ahaayeen xildhibaan Xuseen Gaagaale iyo xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan Fareey iyo sargaal lagu magacaabo Axmed Inji.
"waxaa lagu sii daayey dadaalo ay sameysay dowladda KMG ah, markii horena si sharci darro ah ayaa loo xiray waana baaraynaa sababaha loo xiray ragaas" ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xasan oo kamid ah xildhibaanada Barlamaanka.
Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin wax dhibaato ah loo geystay xildhibaanada intii ay xirnaayeen, isagoona sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay madax banaan yihiin oo ay sii wadan doonaan howlohooda.
Si kastaba ha ahaatee xildhibaanad la sii daayey ayaa inka badan 45 cisho waxa ay u xirnaayeen dowladda Ethiopia kadib markii iyagoo si sharci darro ah ku galay gudaha Ethiopia lagu xiray magaalada Jigjiga ee dhulka Ismaamulka.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









