Fanaanaddii Weyneyd Saafi Ducaale Oo Hargaysa Ku Geeryootay.

2010-03-16

 Alle ha u naxariistee Waxaa Maanta Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku geeryootay Fanaanaddii Caanka aheyd ee Saafi Ducaale kana tirsanaan jirtay Hoboladdii Waabari iyadoona Muddooyinkii dambe ku sugneyd Somaliland.

Saafi Ducaale ayaa u geeyootay Xanuun Muddo 2- Cisho ah ay Isbitaal ugu jidhay iyadoona iska uga tagtay 4-Caruura.

Marxuumadda ayaa qaaday Heeso aad loo xiiseeyo iyadoona sidoo kale kaalin buuxda uga jidhay dhinaca jilidda Riwaayadaha.

Magaaladda Hargaysa ayaa waxaa ka socota qaban qaabo loogu samaynay Aas Marxuumadda Alle ha u naxariistee.

Fanaaniin aad u yaqaanay Fanaanadda oo Shabakdda WaryaTv la soo xariiray ayaa Tacsi u diray Fanaanadda ayagoona Alle Awooda Weyn uga baryay inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo Ehelkii Qaraabaddii iyo Asxaabtay ay ka tagtayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Amiiiiiiiiiiiiiiin.


WaryaTv Hargaysa-Somaliland.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com