Warbixinta QM oo lagu cadeeyay magacyada Wasiiro iyo Safiiro iibsada Fiisooyinka Dowladda hesho
2010-03-16
Iyadoo dhowaan warbixin ka soo baxday QM lagu sheegay in Fiisooyinka
Dowladda KMG ay hesho ay iibsadaan Wasiirada Dowladda ayaa warbixin
kale oo soo baxday waxaa lagu cadeeyay magacyada Wasiiro iyo Safiiro
aad uga macaasha dakhliga Fiisooyinka.Kooxda la socodka Arrimaha Soomaaliya ee QM ayaa horay u diiwaan geliyay musuq maasuq kii ugu ballaarnaa oo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda KMG ay aad ugu lug leeyihiin, kaasoo dhakhaale ay ugu lunsadaan.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Fiisooyin ay heleen Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG ay si toos ugu iibsadeen dad gaar ah, kuwaasoo lacago kumanaan kun oo doolarka Mareykanka gaareysa ay ku iibsadeen.
Hadaba Warbixinta ayaa lagu shaaciyay in Fiisooyin dalalka Yurub ah oo ay Wasiiro ka tirsan Dowladda ay u heleen howlo shaqo ay si aan leex leexad laheyn u iibsadeen, waxaana Wasiirada qaarkood la sheegay in ay qabaan ragg dalaaliin ah.
Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa la sheegay inuu safka hore kaga jiro ragga iibsaday Fiisooyinka, sidoo kale Wasiirada Haweenka Marwo Foosiyo Maxamed Sheekh, Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed iyo shaqsiyaad kale ayaa ku jira liiska.
Sidoo kale Liiska ayaa lagu qeexay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay dalaalka ugu weyn ee Fiisooyinka iibsada, iyadoo horay u jireen eedeymo horay loogu jeediyay.
Dowladda KMG ayaa fadeexad dhexda ugu jirta, kadib markii shaqsiyaadka ka tirsan lagu tilmaamay kuwo aan qaran aheyn, waxaana ay yihiin kuwo eega danahooda gaarka ah.
Jowhar.com









