Marwo Aamina Waris oo La Filayo Inay ka Soo Degto Heathrow Caawa

2010-03-16

 

WARYA TV- Marwo Aaamina Waris oo ah Marwada Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la filayaa inay caawa saacaddu markay tahay 9.45 waqtiga London ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport , Terminal 3.

 

Aamina Waris oo maalintii Axaddii ka soo ambabaxday magaalada Hargeysa wuxuu socdaalkeedu ku soo beegmay xilli ay la soo gudboonaatay geeri ku timid guddoomiye Axmed Siilaanyo walaashii oo habeenkii Axadda ku xijaabatay waddankan Ingiriiska (Alle ha u naxariistee).

 

Marwada ayaa waxa kale oo ay la soo kulmi doontaa xilli uu abaabul weyn iyo hawlo farabadan uga socdaan xisbiga KULMIYE carriga ingiriiska.

 

Aamina Waris ayaa carrigan Ingiriiska muddo dheer ku noolayd mansabyo kala duwan ka soo qabatay. Waxa qoyskoodu ku leeyihiin waddanka Ingiriiska guryo iyo iyadoo ay carruurteedu ay ku noosl yihiin.

 

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com