Maanso:- Samir Qaado Wiil Yahaw

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-17

Burco (Waryatv.com), Samir qaado wiil yahaw waa maanso midhaha ku jira ay maskaxdiisa ka soo maaxeen abwaanka dada yare e Mustafe X Axmed Diriye (Shaybe) oo hada ku nool magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Maansadu waxay la magac baxday sida aad ciwaanka ku soo aragteen Samir Qaado Wiil Yahaw, waana maanso jacayl ah ee dhamaantiinba akhris wacan.

 

Samir Qaado Wiil Yahaw


Suuba-neey jacayl baa
Suur ii  afuu  foo
Sabab taada wee yaan
Saqda dhexe habeen kii
Waxaan la sala laa
Sadriga iyo laab taad
Ku samay san tahayoo
Sahal maaha caashaqu


Sabo weeye caashaqu
Samo laga dur duurtiyo
Sam sam iyo xareediyo
Ila sabeeya wee yaan
Sideed nabar anoo qaba
Ayaad kii sagaa laaad
Sambaba igo’ay see 

Suuba neey jacayl kii
Sabaniyo ilaa saban
Soo daa hi naayey
Maalintii sad kii go’ay
Hadaad suuba neey tidhi
Samir qaado wiil yahaw
Saa’ir aan dur duur too
Nafta aan sabaashee
Sarka dhabanka caashaqa
Kolay seexan maaye
Ifka samo ku noolaw
Aakhirana saliim iyo
Saf kii galay janada noqo
Samir baan gudoontoo
Allaa ii sah laayeee.

 

Dhamaad, waxaa tiriyey Awbaan Mustafe X Axmed Diriye (Shaybe) oo ah abwaan reer Burco ah.

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com