Yaa Ugu Taajirsan Sanadka Dunida? Xageebu-Se U Dhashay Maal-qabeenka Aduunku?

Source: Reported Saleebaan Sahal Jamac
2010-03-17
Ninka ugu Taagirsan Caalamka ayaa sanadkan noqonaya wiil aan ka soo jeedin Wadanka Maraykanka , Ninkan ayaa asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa  Wadamada bariga dhexe  gaar ahaan Wadanka Lebonan, waxaana lagu magacaabaa Carlos Slim HelĂș 


Carlos slim wuxuu haatan degan yahay Wadanka Mexico, waxaana uu dhalay 6 Caruur ah.

Dhinaca kalenna waxaa kaalinta labaad cidhiidh-saday William gates oo isagu u dhashay Wadanka Maraykanka .

William gates waxa uu ka ganacsadaa Tignoolajiga casriga ah ee Wadanka Maraykanka .

Carlos slim  ayaa haysta dhaqaale kor u dhaafaya $ 35 Bilyan oo doolarka Maraykan ah, Carlos slim waxaa uu ganacsade ka yahay  Wadanka Mexico, wuxuuna ka ganacsadaa isgaadhsiinta wadankaasi Mexico, wuxuuna leeyahay shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waa wayn wadanka Mexico

Carlos slim wuxuu dhashay  28 January 1940 waxaanna uu ku dhashay magaaladda Mexico, hooyadda dhashay carlos ayaa lagu magacaabaa Linda Helu, halka gabadha uu qabaana lagu magacaabo Soumaya

Halkan ka ka akhriso sidda loo kala taajirsan yahay iyo wadamada ay ka soo kala jeedaan taajiriinta aduunku.

1.   Carlos Slim HelĂș (Mexico)

2.   William (Bill) Gates III (USA)

3.   Warren Buffett (USA)

4.   Mukesh Ambani (India)

5.   Lakshmi Mittal (India)

6.   Lawrence Ellison (USA)

7.   Bernard Arnault (France)

8.   Eike Batista (Brazil)

9.   Amancio Ortega (Spain)

10. Karl Albrecht (Germany)

 

Reported by:- Saleebaan Sahal Jamac

Burco/Somaliland

Waryatv

salosahal@hotmail.com

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com