Xareeda Oo Wadhan Baliyada iyo Wadooyinka Oo Xaniban
Hargeysa (Waryatv.com), Deegaanka u dhexeeya Hargeysa ilaa Burco ayaa ah mid ay aad u maansheeyeen guud ahaan raxmaadkii Eebe ee ka da’ay dhawaan dalka Somaliland, xareeda ayaa wadhan baliyada sida aadka ah uga ag dhaw wadooyinka isku xidha seddexda magaalo ee Hargeysa, Berbera iyo Burco.
Xoolaha ku dhaqan
deegaanada aynu kor ku soo sheegnay ayaa si weyn uga soo kabtay abaartii mudada
badan soo jiitantay ee ku habsatay dalka iyo dadkaba, waxaanad hada moodaa in
ay xooluhu sidii hore ka muuqaal qurux badan yihiin.
Hase ahaatee waxaa
jira dhul aad u tiro yar oo ay wali ka sii muuqato abaarti, waana inta u
dhaxaysa Kaantroolka Berbera iyo isla gudaha magaalada Berbera, taas oo aad
moodo in aanay ka da’in wax roobab ahi.
Geesta kale Roobabka
ayaa wax yeelo u gaystay dooxyada waaweyn, sida dooxa Cabaad wayne, Dacar
budhuq, Aw Barkhadlle, Lafa Ruug, kuwaas oo gabi ahaanba xidhay jidkii ay mari
jireen baabuurtu, waxaanay ku soo rageen ciid iyo geedo waaweyn, iyada oo ay khatar
galiyeen socodka gaadidka, mana jiraan hawlo dib u haybn ah oo halkaas laga wado
ilaa hada.
Sidoo kale dawga
Sheekh ayaa ka mida meelaha ay roobabku waxyeelada u gaysteen, kadib markii ay
laamiga badhteenkeeda isku gudbeen dhagaxaan aad u cul-culus oo ka soo daatay
figta sare ee buurta, waxaana dhawrkii maalmood ee ina dhaafay ku hawlnaa
maamulka Gobolka Saaxil sidii ay halkaasi uga guri lahaayeen dhagaxaanta xidhay
laamiga Dawga Sheekh.
Dhanka kale waxaa
sanadkan 2010 aad u kooban shilalaka baabuurta marka loo eego sanadkii ina
dhaafay ee 2009, waxaana taas ugu wacan qaybo badan oo ka mida laamiga isku
xidha Burco iyo Berbera oo dib u habayn lagu sameeyey iyo calaamadaha digniinta
oo aad loogu xidhay hareeraha wadooyinka.
Isku soo wada
xooriyoo Raxmaadka Eebe ayaa si weyn u maansheeyey deegaanada aynu kor ku soo
xusnay.
Xafiiska Wararka Ee
Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported By:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim









