Ciidamo Ethiopi-yan Ah Oo Gudaha U Galay Gobalka Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Qeybo ka mid ah Gobalkaa ay gaareen Ciidamo Ethiopi-yan ah oo ku hubaysan Gaadiidka Dagaalka.
Ciidamaddaan oo la aaminsanyahay inay ka soo kicitimeen Dalka Ethiopi-ya ayaa fariisin ka dhigtay Degaanka Kalabeer oo u dhow Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
Ilaa hadda macadda u jeed-ka dhabta ah ee Ciidamadda Ethiopi-ya ay u yimaadeen Gobalka Hiiraan iyagoona horay Gobalka Hiiraan u soo gaari jiray.
Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Urur-ka Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda Ciidamadda Shisheeye iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee Ciidamadaan Ethiopi-yanka ah ee soo galay dhulka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Magaaladda Adis Ababa ay heshiis ku wada Sixiisdeen Utur Diimeedka Ahulu Sunna Waljameeca iyo Dowladda KMG.
WaryaTv Baladweyn-Hiiraan









