Ciidamadda Amaanka Hargaysa Oo Baaritaan Ku Wada Dhaawacyo Laga Keenay Koonfurta Soomaaliya

2010-03-17

 Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Hargaysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamadda Amaanka Magaaladdaas ay gacanta ku hayaan oo baarayaan Dhaawacyo laga keenay Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo looga shakisanyahay inay ka midyihiin Islaamiyiinta ka Dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Dhaawacyadaan oo si qarsoodiya lagu galiyay Magaaladda Hargaysa ayaa Ciidamadda Amaanka oo dhaq dhaqaaqooda la socday kala baxeen Guri si qarsoodiya loogu dabiibayay oo ku yaal Xaafad ka mid ah Xaafaddaha Magaaladda Hargaysa.

Ciidamadda Amaanka ayaa haatan Ragaan Su'aalo weydiinaya iyadoona aan la garanayn inay yihiin Shacab ku soo dhaawacmay Dagaaladdii Maalmihii dambe ka dhacay Magaaladda Muqdisho iyo inay yihiin Islaamiyiinta ka Dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

WaryaTv Hargaysa-Somaliland

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com