Inter Milan Oo Dhuunta Marsiisay Chelsea kuna Gaadhay Wareega Sidedaad Ee Uefa Champios Leuge+Sawiro

2010-03-17
Naadiga inter milan ayaa dhuunta marsiisay naadiga kubada cagta ee chelsea kadib markii ay isku fara sareen labadasi naadi ciyaar ka tirsanayd Koobka sida weyn ay u Qadariyaan naadiyada Europe ee Uefa Champios leuge ciyaartaasi oo ka dhacaysay Hoyga naadiga Chelsea ee Stamford Bridge.


Ciyaaarta ayaa weerar ku bilaabatay , weerarkaasi oo ay qaadanayeen daqiqad kasta naadiga Martida loo ahaa ee chelsea balse waxa goal ah uma aysan suura galin in ay dhaliyeen inkastoo ay khasariyeen chelsea fursado badan oo goal ay ku dhashan kartay.


Waxana Waregii hore ay ku dhamatay bar bar dhac 0 iyo 0 ah balse wadatashiyo ay sameeyeen horjoogayaasha labada naadi Carlo Ancelotti oo Chelsea ah iyo J.Murinho oo inter ah aya la isugu soo laabtay qeybtii labad ee ciyaarta chelsea aya sideedi u waday weerarka ay ku Haysay naadiga inter milan balse wax kasta waxa ay is bedeleen daqiiqadii 78-aad ee qeybtii labad ee ciyaarta kadib markii ay inter dhashaytay goal lama filaan ah goalkasi uu shabaqa chelsea taabsiiyay weeraryahanka Reer Kamaruun S. Eto´o.

Chelsea markas kadib waxa yaaratay rajadedii ahayd in ay u soo gudubto wareega sideedad Ee champaios leuge madama laga rabay in ay markasi shabaqa inter la heshay ilaa 3 goal Balse masuura galin taasi chelsea waxaba ugu sii darnayd markii kaarka cas loo tagaay Weerkooda laga sugayay in uu dhaliyo goalsha waa ninka Rer Evry Cost D.Drogba kadib Markii uu qalad kusameeyay ciyaryahan Thiago Motta.


 Intas kadib waxa ay tageerayasha chelsea bilaaben inay quustan isagana dareeraan garoonka waxana ciyaartaasi ay kuso idlaatay 1 goalkakas ay ku badisay naadiga inter milan e reer itlay.


Ciyaartii hore ee lagu dheelay garoonka san siro waxa soo adkaaday isla nadiga inter milan kuna soo adkaatay 2 iyo 1 balse marka la isku geeyay wadar ahaan inte ayaa chelsea kaga adkaatay 3 iyo 1 sidaas ayaa inter igu suuragashay in ay u soo gudubto wareega sideed ee koobka Uefa Champios leuge.

inta lagu guda jiray ciyaara waxa karka digniinta ah ee jaalaha loo tagay dhanka naadiga Martida loo ahaa ee chelsea qaatay
Ivanovic Terry Alex Malouda halka Drogba loo Taagay kaarka cas dhanka naadiga inter milana waxa kaarka digniinta ah ee jaalaha loo taagay Julio Cesar Zanetti Lucio T. Motta S. Eto´o .

Ciyaarta o ahayd mid darbi ah waxa ay muhiimad gaar ah u lahayd macalinka naadiga inter milan J.Murinho oo sedex sano iyo bar kadib kusoo noqdaq garonkisi hore Ee Stamford Bridge iyo taageerayaashisii adka u jeclaa murinho ma usan gacan qadin ciyaartoygiisii hore 1 daqiiqo ka hor dhamadkii ciyaarta ayuuba ka tagay goobtiii uu fadhiyay isaga o hoolka hore u sii galay mar ay saxaafda wax ka weydiisay ayuu sheegay in u hore u sheegay in uu ku damaashadi doonin taagerayashiisii hore maadama uu weli aad u jecelyahay.

Sidasi waxa kusoo dhamaatay Riyadiii ahayd in ay chelsea u soo gudbi doonto wareegii 8-Aad ee champiaso ka waxana riyadii u rumoowday  naadiga inter ee reer italy oo u aarguday Maatanahooda Ac milan oo Xasuuq xun ay u geystay naadiga Man utd , inter waa nadigi 6-aad ee usoo gudba wareega 8-aad ee champion leuge marka laga reebo 4ta naadi ee caawo laga sugayo 2 koxood markas aya la isku aadin doona 8daas kooxood.

 
Xassan Maxamed Aadan Keysar
WaryaTv Nairobi-Kenya

 
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com