Gabar Yar Oo Laga Xaday Xaafadd Islii (Eastliegh)
Warar goor dhaweyd ku soo xadhacay Xafiiska Warqabadka Shabakadda Caalamiga WaryaTv ee Magaaladda Nairobi ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor Xaafadda Islii lagu Afduubtay Gabar da'aad yar taasoo haatan Waalidiintii dhalay ay ku raad joogaan.
Hooyadda Dhalay Gabadha oo ayadoo Wadooyin orad ku maraysa kana naxsan Afduubka Gabadheeda yar ayaa Erayo ku tuurtay Makarafoonka WaryaTv oo hor socday iyadoona sheegtay in Gabadheeda oo 2-sano jir ah ay la baxsatay Haweenay Guriga uga shaqaynaysay.
Afduub-ka Daqiiqado ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ayaa Wal wal ku abuuray Waalidiin baddan waxaana la Saadaalin karin waxa uu ku salaysan yahay Afduubkaan oo horey aan noociisa oo kali Xaafadda Islii loogu arag.
Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo kordhayay Dadka ka iibsada Xubnaha Aadanaha iyadoona ay falkaa ka qeyliyeen Waalidiin baddan oo Caruurtoodu Gacmahooda lagala baxay.
Dhinaca kale waxaa jira Kooxo Burcad Lacag doon ah oo Afduubka ay Caruurta u geystaan ku dalbaddan lacag aad u fara baddan oo Maskaxda Waalidiinta Daalisay iyagoona ku hanjaba inay qudha ka jarayaan ama Deg Deg Lacagtaan loogu soo xawilo Mpeza oo si toos ah la isugu kala gudbiyo Mobile-ka Lacagaha.
Isku soo wada duuboo waxaa haatan Xaafadda Islii ka soconaya Baadi goob xoog leh oo loogu jiro Gabadhaan Afduubka looga kaxeystayGurigeeda.
Faafaahin WaryaTv.com Kala Soco
WaryaTv Nairobi-Office









