Kabtanka Arsenal Cesc Fabregas Oo Dib Ugu Soo Noqday Naadigaas.
Kabtanka Naadiga Arsenal Cesc Fabregas oo labadii kulan ee lasoo dhaafay dhaawac kaga maqnaa Naadigisa Arsenal ayaa dib ugu soo noqday arsenal kadib markii maanta lagu dhex arkay goobta tababarka ee Naadiga Gunnerska.
Macalinka Arsenal Wenger ayaa Saxaafada u qeexay in Ciyaartooygasi uu ciyaari doona kulanka ay Arsenal Sabtida Asbuuca soo socda la ciyaaro doonta Naadiga Wes Ham sidoo kale Wenger ayaa sheegay in mashiikooda khadka dhexe ee reer camaruun ee Alex Song in uu isna ciyaari doona kasoo Arsenal ka maqnaa kulankii ugu danbeeyay ee ay la dheleen Naadiga Hull City Wenger ayaa waxaa kale oo carabka ku adkeeyay in uu dib usoo noqday ciyaartoyga Reer Czech Tomas Rosicky isna dib usoo noqday sidoo kale waxa goobta tababarka ee arsenal lagu dhex arkay W.Gallas kaso mudo dhowr asbuuc ah dhaawac daran gaaray kaga maqnaa Kulama ay naadigiisa ay dheleen.
Balse waxaa ilaa hada war sax ah laga bixinin xiliga sida rasmiga ee dhaawaca uga kabsanaya weeraryahanka Rer Holland R,venperse oo isaga ay taageerayaasha arsenal ilaaweyn,
Taageerayasha Arsenal ayaa rajo ka mujiyay soolaabashada ciyaartoygasi dib uga soo kabsaday ee ugu horeeya naadiga arsenal kuwasoo hada ku tartamaya horyaalka England oo laga hayo 3 dhibcood halka ay wareega 8-aad uso gudbeen Koobka weyn ee UEfa Champios Leuge.
Xassan Maxamed Aadan Keysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









