Dhalinta Waayaha Cusub Oo Dhuumaaleysi Ka Bixi La'a Markey Soo Saareen Heeso Al-Shabaab Ku Daraya Alqaa'ida
Fanaaniinta dhalinyaradda Waayaha Cusub ee ka Heesaha Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya oo horey ayagoo lugaynaya lagu arki jirey Wadooyin-ka Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi ayaa dhowr-kaan Bari ishu qaban la'adahay Markii ay soo saareen Heeso ay Urur-ka Al-Shabaab ku tilmaamayaan inay beeniyaan Aayadaha Qur'aan-ka Kariimka ah ee Qowlkii Eebe ayna ku sheegayaan inay ka tirsanyihiin Urur Weynaha Al-qaa'ida ee uu Hogaamiyo Sheikh Osama Bin laden.
Waayaha Cusub oo Horey Casumaad uga Helay Urur Diimeed-ka Ahlu Sunna Waljameeca,ayay u Muuqataa Heesahaan ay qaadayaan inay taageero gaar ah u Hayaan Ahlu Sunna ayagoona Heesahooda ay ku jiraan Erayo Al-Shabaab lagu eedeynayo inay Diidanyihiin:---
*Ashahaadada
*Digriga Alle
*Mowliidka oo aysan Ogaleyn
*Uunka Dhintey oo ay Faganayaan iyagoona *Lafahooda u iibgeeya Iiraan iyo Eeshiya IWM.
Gudoomiyaha Waayaha Cusub ahna Alifaaga Erayadda Heesaha Shiine Aqyaar ayaa sheegay innuu u dul qaadan waayay Waxyaabaha ka dhacaya Gudaha Dalka Soomaaliya uuna Si Geesinimo leh u Alifey Heesahaan.
Hadaba Heesahaan ayaa ah kuwo Micne aad u weyn Xambarsan Isla markaana qaarkood qofkii dhageysta dhiiga kicinaya oo tusinaya Waxyaabaha dhabta ah ee ka taagan Dalka Soomaaliya.
Inkastoo Heesahaan ay ka Muuqdaan qaar ka mid ah Dhalinyaradda Fanaaniinta Waayaha Cusub ayaa hadana waxaa taagan Cabsi ah in ay weerar kala kulmaan Urur-ka Al-shabaab,waxaana haatan u bilowday Dhuumaaleysi Guri ku jir ah.
Sikastaba ha ahaatee Fanaaniintaan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo soo saara Heeso ay si toos ah ugu weerarayaan Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin waxaana sugna waxa ay uga jawaabta ay bixiyaan Al-Shabaab.
Halkaan Heesaha Ka Daawo Heesaha:-
WaryaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com









