Wafti Heer Qaran Ah Oo Maanta U Boqoolay Dalka Maraykanka
Hargaysa
(Waryatv.com)-Wafti balaadhan oo ka socda saddexda gole qaran ee Somaliland
ayaa maanta u anbabaxay dalka Maraykanka, kadib markii ay sheegeen inay
martiqaad rasmiya ka heleen dawlada Maraykanka, hase yeeshee Xubnaha Waftigani
wax faahfaahin ah kamay bixin ujeedada socdaalkooda iyo waxa uu yahay
martiqaadka ay ka heleen dawlada Maraykanka midnaba.
Waftigan
oo maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa ayaa sheegay
inay ku hakan doonaan xarunta dalka Ethiopia ee Addis ababa, halkaas oo ay
kulamo kula yeelan doonaan Madaxda sar sare ee dawlada Ethiopia, waxaana la
sheegay inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka iskaashi ee labada dalka, arimaha
nabadgalyada iyo ganacsiga, isla
markaana waxa ay u dhaafi doonaan dalka Maraykanka.
Xubnaha
Waftigan u anbabaxay dalka Maraykanka ayaa waxay kala yihiin Guddoomiye ku
xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali,
Wasiirka Arimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil
Cali (Cirro), Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare)
iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan
Sh. Maxamed Cabdi.
Waa markii
u horaysay taariikhda Somaliland ee Wafti ka kooban Saddexda Gole qaran ee
jamhuuriya Somaliland u kicitimaan dalka Maraykanka iyaga oo midaysan, isla
markaana isku hadaf ah, wallow aan shaaca laga qaadin ujeedada socdaalkooda iyo
muddada uu qaadan doono.
cabdiqani
Cabdillaahi Axmed
Hargaysa/Somaliland









