Ciidamadda Al-Shabaab Oo Caawa Qarka U Saaran Dhuusamareeb
Ciidamo aad u fara baddan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa Caawa jooga meel aan saas uga fogeyn Demadda Dhuusamareeb kuwaasoo doonaya iyagoo ka faa iideysanaya Khilaafka soo kala dhxe galay Ahlu Sunna Waljameecay inay gacanta ku dhigaan Degmadaas.
Dad goob joogayaal ah oo la soo xariiray Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv ayaa sheegaya in Ciidamadamo fara baddan oo uu Hogaaminayo Yusuf Sheikh Ciise Kaba Ku Tukade ay Maantaddii hore ay ku sugnaayeen inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Duulaanka Al-Shabaab ee ku wajahan Degmadda Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya xilli Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ahlu Sunna Waljameeca ayna kala kaxeysteen Ciidamadoodii isku dhafka ahaa.
Ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ayagana la sheegayaa inay wadaan abaabul aan saas u buurneyn iyadoona la kala garanaynin inay si wada jir ah ula dagaalami doonaan Al-Shabaab.
Sikastaba ha ahaatee Degmadda Dhuusamareeb ayaa Saacad walba Dagaal ka dhaca laga filan karaa iyadoo haatan ay kaabiga u saaranyihiin Ciidamadda Al-Shabaab.
WaryaTv Dhuusamareeb-Somalia.









