Gaariye, Hadraawi iyo Caraale Isku Dir Magayaan, Mooge Festival-Na Guul Ayuu Ku Dhaamaaday

Source: waryatv
2009-07-31

Hargiesa (Waryatv.com), Waxaan aad ugu faraxasany xafaldi sida wayn loo soo aababulay ee lagu xusayay marxun Maxamed Mooge Liibaan oo runti ah nin si wayaan loga xusi karo guud ahan inta ku hadash luuqad somaliga ah oo runtii ay si isku mid ah uu jecelayeen, waxaan aad iyo aad uu ugu mahad celinay ilahyao oo noo surto galiyey inay somalilaand isgu yimaadan dad aad uu mida oo ka kal yimi dunid dacaladeed.

 

Waxaan si gaara iyan anan amanteeda aan halkan ku so koobi karin Ayan Maxamuud Cashur oo ah qof-ka sid wayan uu qaban qaabiyey oo aan odhaan karo  sharaf ayey agatayayda ka mudantahay lakiin waxan aad iyo aad uga xumay dadk sid xun waxa u fahmay ee iska qoray ee yidhi si cadaalada looma maamulin.

 

Hadrawii, Gariye iyo Carle waxay inaga mudan yihiin sharaf oo walib iyaga ayaa saxibo ah lakii somaliyey dadk waxa idin qabta ama wax idiin so kordhi walagiin ayaad caydaan oo aad af-lagaadaysaan.

 

Laakin nidaamka isku fiirsiga hore ayaa looga gudbay ee hayngu soo celinin wax lagu gudbay oo ay ugu horayso qabyaaladi.

 

Hana ilaabin kaalinta dadka reer Somaliland ay soo galeen mudadii 20 sano ahayd ee ugu danbaysay, gababadii xaflada Mooge Festival waxaa ka dhashay xamaasad si weyn u soo jeedisay indhah intii goobta fadhigay.

 

Taasi oo dhex martay seddexda abwaan ee Gaariye, Hadraawi iyo abwaan Caraale, dadku isku wada garaad maaha qofba sidii ay ula muuqtay ayuu u fahmay, waxaa jira dad wax qoro oo war tabiyayashaa sida joornaalada iyo website ku faafiyey in aan si isku mida loola dhaqmin labda abwaan ee Gaariye iyo Hadraawi.

 

Hadraawi iyo Gaari waa laba nin oo saaxbi iyaagana iska keen jecel ee yaan waxba fooda laysku gelin.

 

Miisaanka maansada soomeeliyeed ciid bilawday waa la yaqaan ee dadka wax qora gaar ahaana dadka had iyo jeer suugaanta u dhuun daloola waxaan leeyahay hubiya mar iyo laba iska hubiya qorida cida bilawday miisaanka.

 

Ugu danbayntii waxaan hanbaylo u soo jeedinayaa dhamaan ciidii ka qayb qaatay bandhigii Mooge Festival iyo dhamaan naadiyadii wax akhriska ee ku soo ban dhigay wax qabadkooda, waxaanan leeyahay hawsha aad wadaan halkaas ka wada, guul ayaan idiin rajaynayaa


Sahra Moh’ed Ali

Hargiesa/Somaliland

nance_143@hotmail.com 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com