Puntland Oo Loogu Baaqay Innay Deg Deg Uga Baxdo Galgala

2010-08-28

 

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay August, 27, 2010 ka dhacay Magaala Madaxda Gobolka Heylaan ee Dhahar shir ay isugu yimaadeen dhamaan cuqaasha iyo waxgaradka gobollada Haylaan iyo Galbeedka Bari, waxaana laga wada hadlay xaalada deegaanka oo ay ugu horeyso arinta beryahanba ka taagnayd deegaanka Galgala.

Hadaba markay arkeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Haylaan iyo Galbeed Bari dhibaatada lagu hayo dadka iyo deegaanka Galbeedka Bari,  markii ay arkeen  dagaalka qaawan uu maamulka Puntland ku qaaday dhulkaa islamarkaana ay abuureen dacaayad ka dhan ah deegaanka iyagoo ku eedeeyey argagixisanimo, isla markaana ay ku gacansayreen odayaashii isu xilsaaray inay arintan wada hadal ku dhameeyaan

Dagaalkan oo uu ka dhashay barakac dad shacab ah, dhul iyo beero lagubey iyagoo ay dadka ku dhaqan deegaanka galbeedka Bari ahaayeen beeralay iyo xijiyeysato, sidoo kale waxaa jirta bililiqo loo geystey deegaanka oo ay dowladu tiri waan soo celineynaa hantida la bililiqeystey oo aan ilaa iyo haatan waxba la soo celin. Dhibaatadan ayaa waxaa ugu weyn barakaca ay dhalisey oo ilaa hada yaacsan gobolada Haylaan, Sanaag  iyo Bari.

Hadaba odaayasha  iyo  waxgaradka shirkan soconaayay shanta maalmood waxay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:

  1. In si degdeg ah ay maamulka Puntland ciidankooda ugala soo baxaan deegaanka ay mar la’aanta ku galeen ee galbeedka gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow;
  2. In arinta loo daayo odayaasha beesha ay iyagu kalsooni ku qaba in ay xal nabad ah keeni karaan;
  3. Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka Puntland iyo mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan in ay arintan soo dhexgalaan oo ay ka hortagaan colaad sokeeye ka dhacda gobolka taas oo cid walba saameyn karta;
  4. Waxaan ka digaynaa hadii baaqa odayaasha iyo waxgaradka aan la tixgelin ay arintani wajiya kale yeelan doonto sida ugu dhaqsaha badan, wixii cawaaqib xumo ka dhalata arintaa iyo masuuliyeedeeda qaadayaan maamulka Puntland gaar ahaan madaxda sare ee maamulka.
Baqaana waxaa saxiisay waxgaradka iyo odayaasha kala ah:

Nabadoon Cabdi Cali Faarax
Nabadon Saxardiid Cali Cumar (Dhawaaq)
Nabadon Mahdi Daahir Aadan
Nabadon Saleebaan Siciid Xaaji
Nabadon Cisman Maxamed Maxamud
Nabadoon Guray C/laahi Maxamed Xassan
Caaqil Cali Kilwe Cismaan
Caaqil C/laahi Khaalid Cismaan
Dr. Garas Yuusuf Shire
Aqoonyahan Cabdi Xaaji Maxamed
Aqon. Bashiir Faarax Maxamud
Aqon.Maxamud Yusuf Maxamed
Aq.Yasin Jaamac Maxamed
Aqon.Maxamed Salaad Faarax
Maxamed C/laahi Faarax
Aqon. Maxamud Maxamed Daad
Eng Maxamed Cise Yusuf
Aqon. Jaamac  Maxamud Gabayre
Eng. Guray Cisman Samatar
Guurti Dibad Faarax Maxamed
Guurti Nuur Maxamed Saalax
Guurti Jaamac Faarax Aadan
Aqon. khaalid Cise Siciid
Guurti Mursal Maxamed Cartan
Guurti Cumar Cartan Faarax
Guurti Axmed C/laahi Faarax
Dr. Jaamac Caynab Jaamac
Prof. Abshir Cabdi Mataan
Guurti Cabdi Faarax Cartan
Aqon. Maxamed Siciid Nadaam

gudigaodayaasha@gmail.com
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com