Shabaab-ka Oo Soo Bandhigay Mowlac Ay Qabsadeen

2010-08-28

Xarakada Al-shabaab ayaa maanta saxaafadda soo tusisay goobo ay kala wareegeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, ee dagaalka uu ka dhaxeeyo.

Madax ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr wariyaal ah u soo bandhigay xarun ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada Ahlu Sunna, taas oo ku taalla degmada Hodan.

Xaruntan oo lagu magacaabo (Mowlaca Macallin Nuur) ayaa caan u aheyd maleeshiyaadka taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee iyagu kaashanaya dowladda KMG ah.

Waaliga ama Guddoomiyaha gobolka Banaadir u qaabilsan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa warbaahinta uga sheegay shacabka Muqdisho in ay muujineyso goobta ay hadda soo bandhigeen guulaha ay dagaalada ka gaareen.

Dhanka kale Sheekh Cali Maxamed Xuseen waxa uu si isku mid ah u cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ee ay ku cambaareynayeen qaraxii Hotel Muna, iyo kan Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Hadalka Masuulkan ayaa ku soo aadaya xilli dagaalyahanada Al-shabaab ay asbuucii la soo dhaafay ku baaqeen dagaal ama duullaan ka dhan ah sida ay u dhigeen kuwa soo xadgudbay.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com