Sheikh Shariif Oo La'a Dhinac Uu Uga Baxo Muqdisho
Warar-ka ka imaanaya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Shiekh Shariif Sheikh Axmed uu dhinacna uga bixi la'ayahay Magaaladda Xamar xilli Xarakadda Al-Shabaab ay kaabiga ku hayaan Madaxtooyadda iyo Wadada Maka Al-Mukarama.
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo Shalay ku casumay Shiekh Shariif Xafladdii Ansaxinta Dastuur-ka Cusub ee Kenya ayaa ka baaqday,isagoona ka bixiyay Cudur daar tilmaamayna innay ku adagtahay innuu Dalka ka Safro xilligaan,maadaama ay halkaas ka socdaan Dagaalo Xoogan.
Shiekh Shariif ayaa la tilmaamay innuu haatan wado Kullamo iyo Abaabul uu ku doonayo in looga hortago Dagaalka Xoogan ee ay Al-Shabaab ku yihiin Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Xarakadda Al-Shabaab ayaa dhawaan ka dhawaajiyay innay bilaabayaan Weerar xoogan oo ay Dalka uga saarayaan Ciidamadda AMIOSM oo ay sheegeen innay Dalka ku soo duuleen.
Sikastaba ha ahaatee Ciidamadda Al-Shabaab iyo kuwa AMISOM ayaa isku horfadhiya Wadada Maka Al-Mukarama halkaasoo halbowle u ah Dowladda iyo AMISOM.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









