Ciidamadda AMISOM Oo Difaac Ku Aruuray
Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dejiyay Istiraatiijiyad dagaal oo ay doonayaan in ay isaga muusaan weerarada isdaba jooga ah ee uga imaanaya xoogaga islaamiyiinta ah.
Kulan xasaasi ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayay saraakiisha Burundi iyo Uganda kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen sida laga yeelayo dagaalada.
Dood dheer kadib ayay labada dhinac isla garteen in ay iska difaacaan Shabaab balse aan weerar lagu qaadin xoogaga hubaysan taasi oo quus ku ridaysa rejadii ay madaxda dowladu ka qabeen in xoogaga Hubaysan Makka Al Mukarama laga durjiyo.
Howlgalka AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa go'aansaday in ay Ciidankooda Hal meel isugu keenaan islamarkaana iska difaacaan dagaalada uga imaanaya xoogaga Hubaysan waxaana meesha ka baxaya weeraradii ay AMISOM ku qaadi jirtay fariisimada xoogaga Hubaysan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









