Hargeysa:- Masuul Sheegay Inuu xilkii Iska Casilay iyo Tiro Wasiiro Ah Oo Damacsan Inay Xilka Tiriyaan
Hargeysa
(Waryatv.com), Warar tan iyo shalay soo if baxaayey ayaa sheegay in uu xilkii
iska casilay masuul ka tirsan xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo, masuulkan oo ka mid ah xubnaha hayada shaqalaha horena uga mid ahaan
jiray wasiir ku xigeenadii xukumadii hore ee madaxweyne Riyaale ayaa daboolka
ka qaaday in uu xilkii iska casilay, sida ay sheegayaan ilo ka ag dhawi.
Mar
aanu isku daynay in aanu masuulkan la xidhiidhno waxna aanu ka weydiino is
casilaadiisa ayaan haba yaraatee noo suura galin, balse waxaa jirar warar salka
ku haya is casilaada oo sheegay in masuulyin kale oo tiro badan ay madaxweynaha
kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin is casilaad.
Masuusliyintaas
waxaa ka mida sida ay wararku nagu soo gaadhayaan, wasiirka Gaashaandhiga Somaliland
oo ka soo jeeda gobolada bariga, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta, wasiirka
ganacsiga, wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha, agaasimaha boosha iyo
isgaadhsiinta, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga, xubin ka mida hayada
shaqaalaha.
Masuuliyiintan
ayaa la sheegay ka hor intii aanay madaxwyenaha Somaliland Md Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) kala hadal is casilaadooda, in ay isugu yimaadeen shir
gooni ah oo ay kaga tashanayaan gonaana ku wada gaadhayaan sida ay uga soo hor
jeedaan habka uu madaxweynahu u qaybiyey xilalka xukumada cusub.
Ilaa
hada ma cada kulanka dhex maray madaxweynaha iyo masuuliyiinta wax ka soo
baxay, kaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen.
Wixii
warar ah ee ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doona wararka dambe ee
Waryatv.
Xafiiska
Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported
by
Ibraahim
Abdirahman Qaasim
Qaasim









