Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Source: Reported by Qaasim
2010-08-29

 Hargeysa (Warytv.com), Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Rabi naxariistiisa haka waraabiyee Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa mujaahidiidntii SNM.

Alle ha naxariistee Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad ayaa ka mid ahaa sidoo kale saraakiishii SNM ee naftooda iyo maalkooda u huray xorayntii qaranka Somaliland, wakhtii lagu jiray dagaalkii lala galay dawladii Maxamed Siyaad Bare.


Rabi naxariistiisa ha siiyee waxa uu marxuumku ku geeriyooday abaaro 9 subaxnimo magaalada Hargeysa.


Marxuumka waxaa halkan tacsi uga diraaya guud ahaan shacabka Somaliland, waxaanay nagula soo xidhiidheen qaarkood khadka telephone-ka, iyaga oo ilaahay uga baryaaya inuu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, marxuumkana janooyinkiisa uu ka waraabiyoAamiin…….. Aamiin…….. Aamiin

 

 

 

Xafiiska wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

Qaasim

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com