Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Mj Cabdilaahi Askar Barkhad
Source: Reported by Qaasim
2010-08-29
TACSI MADAXWEYNE.
Hargeysa
(Waryatv.com), Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa
uu Tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii & Asxaabtii uu ka Geeriyooday
MUJAAHID
CABDILAAHI ASKAR Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.
Madaxwaynuhu
wuxu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo,
Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland-na ee uu ka baxay
Marxuunku uu samir iyo Iiman ka siiyo.
Aamiin
……………………………….. Aamiin …………………………………. Aamiin
C/laahi
Maxamed Daahir ( Cukuse )
AF-hayeenka
Madaxtooyada JSL
Xafiiska wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim









