Wasiir Gaboose Oo Xoghaye Cusub U Magacaabay Dawlada Hoose Ee Hargeysa
Hargeysa
(Waryatv.com), Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose
ayaa maanta xil cusub u magacaabay dawlada hoose ee magaalada Hargeysa.
Wareegto
uu soo saaray wasiirku wuxuu ku sheegay in uu bedelay xogyahihii hore ee
dawlada hoose Maxamed Wayrax, waxaanu xilkii xoghayaha dawlada hoose u
magacaabay Deeq Xirsi (Deeq Canbuu).
Wasiirka
ayaa kusimaha duqa hargeysa Md Cabdilaahi Uurcade ku adkeeyey in uu sida ugu maquulsan
xilalka ugu kala wareejiyo masuulka cusub iyo kii hore.
Wasiir
gaboose ayaa xoghayihii hore ku amaanay sida qiimaha leh uu la soo tacaalay
xilka uu hayey, waxaanu masuulka cusub ilaahay uga baryey inuu xilka loo
igmaday uu u fududeeyo.
Xafiiska
Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported
by
Ibraahim
Abdirahman Qaasim
Qaasim









