Safiirka somaliland ee Sweden iyo Sirihiisa Qarsoon
Waxa
mudooyinkii ugu danbeeyayba lagu shaacinayey mareegaha maxaliga ah ee
reer somaliland fadeexado uu ka danbeeyay safiirka somaliland u fadhiya
dalkan Sweden Mudane Caydarus Sheikh Adaan oo aflagaado iyo
been abuur ka dhana wax qabadka jaaliyada reer Somaliland ee Dalka
Sweden ka jira haba ugu sii badnaate Dalada Guud ee Jaaliyadaha
Somaliland
Anigo ah muwaadiniinta reer somaliland ee dagan dalkan Sweden gaar ahaan caasimada ayaa aad uga xumaaday shaqadan foosha xun ee safirkuu shaqo ka dhigtay in uu kala daadiyo iskana horkeeno bulsho weynta reer somaliland ee ku nool dalkan Sweden.
Waxaan doorbiday in aan idiin soo gudbiyo Sawirka runta ah ee ka jira dalkan Sweden iyo Sunta Safirka Somaliland ee Sweden.
Hadaan ku hormaro dalada guud ee jaaliyadaha reer somaliland ee Gudoomiyaha uu ka yahay Sakariye Wais ayaa Maamulka cusub ee dalada waxa ay la wareegeen dalada waqti gudidii hore ee maamulaysay ay ku guul dareysteen tayaynta dalada, taas oo ay soo hayeen maamulka dalada mudo ku dhowaada toban sano.
Mudadaa ay hayeen mamulka dalada iska daa wax loo qabto umadee waxa ay beeleeyeen gudida dalada oo ay ka xakameeyen bulshada inteeda kale taasoo uu lug weyn ku lahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Sweden .
Dalada
ayaa safiirku u nooc maqaarsaar ah ugu dhiibtay niman jifadiisa, taas
oo soo shaac baxday markii gudida cusibi hawsha la wareegeen. In ay sifo
sharciga waafaqsan ay ugu wareejiyaan maamulka cusubna waxa ay ku
qaadatay mudo sanad iyo badha oo sababtuna ahayd ninka wakiilkaa oon
rabin in wax u qabsooman maamulka cusub.
Maamulka cusub ee daladu iyagoo qaab dulqaad iyo xirfadba leh kaashanaya waxa ay aakhirkii ku guulaysteen in ay badbaadiyaan guulana ka gaadhaan waajibkoodi.
Daladu horumarkeeda waxa ay isku dayday in ay isla barbartaagto ururada iyo warbaahinta shacbigeeda sida warbaahinta S/Land ee Sweden iyo 11 jaliyadood oo ay daladu dhaqaale siisay si ay umadoodo wax ugu qabtaan, taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee daladu gargaar siiso. Halkey kuwii ka hore ay danahooda gaarka ka fushan jireen daymana ay galiyeen dalada iyo qaar kamida jaaliyado uu maamulo safiirka somaliland .
Waxaaan
ku war galinaynaa in safiirka iyo maqaarsaarkiisu fahmaan shaqada
dalada, daladu maaha jaaliyad Stockholm leedahay ee ay u dhaxayso
Jaaliyadaha dalka ka jira.
Daladu waxa ay ku hambalyaynaysaa jaaliyadaha gobalada ee aan sugayn cid ay xagxagtaan ee abuurtay goobo ay danaha bulshadooda ku kulmiyaan ee daladoodana wada shaqaynta xalaasha ee xagxagshadu ka xaaraanta tahay.
Waxa nasiib daraa in kuwii cunay ee ragaadiyey shacbiga xalaasha ee
caasimadu ay ku andacoodaan daladu ha furto lookaalo. Daladu waxa ay
markasta diyaar u tahay isbartaaga iyo kaalmada bulshada S/Land ee
Sweden, waxa aanan rumaysanahay in hadii ay dhibta iyo dacaayada ku
dhisan baroordiiqda iyo waywada beeleed ee aan ka shaqayn dalkeeni iska daa dalalkan yurub.
Waxaana hubaala hadii shaqsiyaadkaasi qaska iyo jah wareerka ka waantoobaaan in shacbiga S/Land ee Stockholm ay wax badani u qabsoomi lahaayeen.
Waxa iyana intaa dheer in daladu ku faanayso in ay noqoto mid tayo leh.
Waxa
xusid mudan in Wakiilka S/Land ee Sweden uu mudo 10 sana ku hayso
Daladii guud ee la abuuray waqtigii halganka SNM “ Somali relief
association” uu u hayto qaab si gaara. Daladaa oo mujaahidiin caana
iyo qaar oo mug ku leh bulshada S/Land u soo mareen dhib badan oo
ujeedadoodu ahayd in ay shacbigooda ku badbadiyaan, ilaa imikana wax uu
ka ogol yahay in lagala hadlaa ma jirti, xataa iskumuu dayin in magaca
ay sidato kan dhigo mid matasha masuuliyada uu u hayo shacbiga iyo
xukuumada S/Land.
Safiirku
waxa uu ilaabey in xisaabcelinta waxii dhaqaala ay Dowlada Sweden
leedahay hayado ugaara oo kala xisaabtamaya Dalada iyo cidii kale ee ay
khusayso.
Daladu waxa ay leedahay hanti dhowre qadarin ku leh bulshada dhexdeeda iyo Xafiisyo ugaara xisaab celinta.
Waxa aan kula talinaynaa wakiilka iyo kuwa u ah maqaar saarkaba in ay iyagu ka garbaxaan shacbiga reer S/Land ee Sweden.
Wakiilku goorma ayuu daladii Bilowga halganka ee Sida dimuqraadiyadaa loogu dhiibay uu warbixinteeda soo celin kara kana gar bixi bulshada?
Wakiilka waa Caydaruus SH Adane xaguu mariyey dhaqaalaha sanadkasta uu ka qaato Forumsyd ee u si shaqsiyan ah u maamusho, taas oo aanu waligii wax warbixina u soo gudbin bulshada S/Land ee Sweden. waxa aanu dhawaan idin soo gudbin doona mashaariicda tira badan ee uu cashuurta shacbiga reer Sweden sida shaqsigaa ugu tagri falay.
Waxa iyana aanu idiin soo gudbindoona cadaymo muhiima oo ku saabsan mashaariicda iyo sida loo isticmaalayba.
Waxa nasiib daraa in aanu ilaa imika ka hadal isbadalka dalkii ka dhacay iyo xukuumada cusubtoona ee uu wakiilka uga yahay dalkan Sweden.
Waxa wax laga xishooda ah in uu xumaan aan geedna loogu soo gaban kula kufo madaxda Sweden si uu wado ugu helo shaqsi uu si gaara ugu ololaynayo in uu ku soo biiro siyaasada dalkan Sweden.
Wakiil ma jirtaa wax gudiya oo aad u sheegi kartid shacbiga oo og waqtiga doorashada ururkaad is siisay dhacayso.
Xasan Cabdi Qawdhan
Xasan_Cabdi@hotmail.com
Stockholm Sweden









