Awr Awr Wado iyo Nin Naagi Waddo Midna Kaama Baydho

2010-08-30

Sida aynu ka warqabno waxa maalintii khamiista dhacday in labo mudane oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland ay isku farosaareen golaha dhexdiisa iyagoo shir ku gudo jira,

 

Labadan mudane oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye (NacNac) iyo Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) waxay isku maandhafeen inuu Maxamed Xaashi, wasiirka maaliyaddu, golaha hor yimaado iyo inkale. Xildhibaan Ibraahim Kacaan wuxuu ku doodayey in golaha la hor keeno wasiirka oo su’aalo la weydiiyo. Xildhibaan NacNac oo isagu ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ayaa gaashaanka ku dhuftay in wasiirka loogu yeedho bujubajaa iyo yooyootan ah waqti lumis maadaama aanay jirin wax nuxur leh oo loogu yeedho, oo wasiirkuna xilka hayey dhawr iyo labaatan casho oo keliya. Arrintan ayaa aad la isugu maandhaafay. Xildhibaan Ibraahim Kacaan ayaa markiisa horeba in badan Siilaanyo iyo Maxamed Xaashi u higaadinayey sababo isaga u gaar ah awgeed.

 

Waxa ugu dambeyntii la isla gartay in loo yeedho wasiirka maaliyadda maalinta Salaasada 10.00ka subaxnimo. Waxa kale oo la isku sii qabsaday oo muran ka dhashay su’aalaha la weydiinayo wasiirka.

 

Xildhibaan Nacnac waxa laga soo xigtay inuu yidhi, “Waaba loo yeedhayaaye, hadalka iyo doodan aan muhiimka ahayn inaga daa baan ku idhi, dabadeedna intaas buu ka xaqaanay, ka dibna feedh buu igu dhuftay, waxbana ima yeelin oo waa nala kala qabtay,” Waxase haatan caddaatay in  dhaawac soo gaadhay Axmed Diiriye Nacnac oo daanku dilaacay, Ibraahim Kacaanna uu u firxaday Gabilay.

 

Si kastaba ha ahaatee uma muuqato immika in xildhibaan Ibraahim Kacaan oo isagu qalalaasahan iyo rabshaddan bilaabay inuu ka soo qayb geli doono oo su’aalihii uu rabay inuu weydiiyo wasiirka uu fursad u helayo waayo waxa baadi goob ugu jira oo toosh ku doondoonayo qaar iyaguna ay xildhibaan Nacnac hayb wadaagaan oo doonaya inay u aargooyaan xildhibaankooda. Arrintaasina waa arrin fool xun oo u baahan in laga fogaado oo aan loo baahnayn inay dhacdo waayo waxay keeni kartaa fidno faraha ka baxda.

 

Labada xildhibaan ayaa is farasaarkoodu uu ka dambeeyey ka dib markii Ibraahim Kacaan uu ka warhelay in xaaskiisa oo ahayd ku xigeenka kastamada laga eryey shaqadii ay haysay  iyo iyadoo qasabadii lacagta ahayd ee ku socon jirtay ee nidaamka xaaraamiga ahaa ee Daahir Riyaale laga dhaxlay uu mar qudha juqaalay wasiirka maaliyaddu, Maxamed Xaashi Cilmi. Xildhibaanka oo gawaadhida kala beddeli jiray markii hore wuxuu mar qudha ka war helay inaan macal dambe la cuni doonin ee macaluul loogu bakhtiyo doono meesha.

  

Haddaba, xildhibaan Nacnac waxaanu leenahay ha u dhaqmin sidii adigu aad wakiil ka tahay dawladda Axmed Siilaanyo. Naftaada ayaad hore khatar ugu gelisay in KULMIYE uu talada waddanka hantiyo oo beeshaada ayaad khatar u gelisay in Siilaanyo la doorto oo aad gurigaaga baarlaman u rogtay oo kalfadhiyada golaha lagu qaban jiray markii uu Riyaale xidhay golaha wakiilada. Dadkii aad durbaanka u garaacday ee aad ku odhan jirtay wixii aad xisbiga gashataan ayuunbaa leedihiin waxay ku danbaysay in lagu khiyaameeyo. Dhaawaca waxa kuu dheer, inta dhagaxa kuu haysata ee dhinayada kaa laalaada ee ballan qaadyadii aad u samaysay lagaga baxay. Hore ayaa loo yidhi waxa jira nin aad aamintoo abees kugu noqda. Beeshaaduna siday wararku sheegayaan maalin hore ayey indhaha ka laabatay markay arkeen inuu Siilaanyo labo inan oo meel baas iyo reero muskood uu ka soo xambaartay ay kaga feygareen dawladdii.  Waxba ha ku sii tiigaalin waxa lagugula dhaqmayaa fool qayaxan iyo qosol been ah.

 

Xildhibaan Ibraahim Kacaan waxaanu leenahay adiga waxa ku waday, hore ayey Soomaali ugu maahmaahday oo waxa la yidhi: Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama baydho. Adigu immika Gabilay ayaad u firxatay waayo waad is ogtahay qaladka aad samaysay iyo godobta aad isu soo jiiday. Wasiirkii aad doonaysay inaad su’aalaha weydiisana ee aad ninka saaxiibka ah dhaawaca ugu geysatay immika kuu suuragelimayso inaad weydiiso maalinta Salaasada. Intaa waxa kuu sii dheer qaar budh iyo toorile ah oo ku baadi goobaya. Waxaad ogaataa waxa nabad  lagu waayo colaad laguma heli karo.

Kuwa budh iyo tooriilaha ah ee suuqa meeraysanya iyagana waxaanu leenahay waa la idinka warhayaa ee arliga ka fadhiista.  Odayaashiinu way ka soo horjeedan mana raacsana aar goosi aan loo baahnayn iyo rabshadda aad la wareegaysaan. Xildhibaan Nacnac-na warba idiinma hayo raalina kama ma aha ee ummadda fidno aan loo baahnayn ha ka dhex abuurina.  Labo nin oo is dila weligeed waa la arki jiray ee taa ogaada. Horena waa la isugu sabaaxadeeyey oo la isku feedhay oo baastoolado la isku dhex eryaday golaha wakiilada, qaar kalena way isku sabaaxadayn doonaan oo isku feedhi doonaan mustaqbalka ee cagta dhiga.

Dawladdana waxaanu leenahay waa la ogyahay in Xildhibaan Nacnac illaa halka ugu sarreysa ee dawladda la soo booqday balse dawladda Siilaanyo loogama baahna oo keliya “waanu ka xunahay Axmedow wixii ku gaadhay” ee waxa looga baahanyahay sidii uu xildhibaanku idiinku lisay inaad ugu hambaysaan.  

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com