Arsenal,Man Utd,Liverpool Iyo Chelsea Oo Guuleystay

2010-08-30

Horyaalka dalka England oo galay asbuuciisii sidexaad afarta koox ee ugu tunka weyn Horyaalka Englana waxa ka heleen natiihooyin ad muhiim u ah.
 
Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda meel ka baxsan ciyaar u muuqatay mid adag kula dheshay kooxda Blackburn R.ciyaartuna natiijadeedu waxa ay kusoo idlaatay labo iyo hal oo ay Guusha ku raacday kooxda Arsenal.

Labda gool Arsenal waxa u dhaliyay T. Walcott oo noqday xubin muhiim u ah kooxda Arsenal isagoo kulanki labad ee kooxda Arsenal dhaliyay sidex gool oo hadrik ah kii Labaadna waxa Arsenal u dhaliyay A. Arshavin goolka qura ee ay kooxda Blackburn R.dhalisay waxa dhaliyay M.B. Diouf
Kooxda Chelsea oo labdii kulan ee ugu danbeyay dhalisay 12 gool waxa ay ciyaar ula muuqatay mid dhib yar 2 gool kaga badisay kooxda Stoke C.

daqiiqadii 11-aad F. Lampard ayaa kooxdiisa ka qasariyay fursad gool kulaad ahayd daqiiqadii 32aad F. Malouda aya goolkii ugu horeeyay siiya kooxdisa Chelsea halka ki labad oo ahaa mid gool kulaad ah uu Chelsea u dhaliyay D.Drigba.

Chelsea sidexdii kulan wadar ahan goosha ay dhalisay ayaa gaaraya 14 gool wana kooxda ugu gool dhaliska badan horyaalka England inta uu 14 bishan uu furmay horyaalka England.

Kooxda Man utd waxa ay hoygeeda ku marti gelisay kooxda West Ham U. waxana ay ku macsalemeysay sidex gool iyo waxba goolkii ugu horeeyay ee kooxda Man utd waxa uu ahaa mid gool kulaaad ah waxana dhaliyay Rooney.

kii labad waxa raacsaday Nani halka badhiga goolasha uu soo Afjaray D. Berbatov sidas ayay na gusha ku hanatay kooxda Man utd.

Kooxda Tottenham oo sanadkan ka qeyb galaysa tartanka Weyn ee champions leuge waxa ay san filayn kala kulan tay kooxdaWigan Athletic oo ku sagootisay gool iyo waxba.

Goolka qura ee ay dhaliyen koxda Wigan Athletic ayna ku kasbadeen sidexda dhibcood waxa dhaliyay xidiga H. Rodallega.

Kooxda Liverpool waxa ay gool tabar yar kaga adkaatay kooxda West Bromwich A.gooka qurana waxa ay Liverpool kaga mahadisay xidiga F.Torres daqiiqadii 66-aad.

Kooxda Man City oo xili ciyaaredkan gashay qarash aad u farabadan lana soo wareegtay ilaa lix ciyaartoy o magac fiican ku leh qaarada yurub aya damaceedii ugu danbeeyay ku fashilantay markii ay kulan aan waxba la isku reeban ay la dheeshay kooxda Sunderland.

Kooxda Sunderland ayaa kooxda qarashku galay ee Man City kaga badisay gool qura kaasu uu siiyay xidigooda D. Bent goolkasoo ahaa mid gool kulaaad ah ay dhaliyeena daqiqadii 90-aad ee ciyaarta.

Ciyaarihii kale ee horyaalka England waxa ka mid aha Aston Villa oo gool kaga badisay kooxda Everton,Fulham iyo Blackpool oo bar bar dhac labo gool iyo gool ah kula dhaqaajiyay.

Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com