Shariif-ka Oo Baaq Deg Deg Ah U Diray Beesha Caalam-ka
2010-08-30
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Beesha Caalam-ka ugu baaqay innay fara galin deg deg ah ku soo sameeyaan Xaaladda sii xumaanaysa ee Dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheikh Shariif ayaa Beesha Caalam-ka loogu baaqay innay deg deg u soo fara galiyaan Xaaladda Dalka Soomaaliya.
Sheikh Shariif ayaa xusay in Dalka Soomaaliya uu qarka u saarantahay innay la wareegaan Ciidamadda Al-Shabaab oo dhowr fariisin kala wareegay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sikastaba ha ahaatee Hadalka Shiekh Shariif ayaa imaanaya xilli Dagaalo xoogan ay Maalintii Sideedaad ka soconayaan Caasimadda Dalka Soomaaliya.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









