Dagaal Kulul Oo Ka Socda Waqooyiga Muqdisho
Dagaalo Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo Xarakadda Al-Shabaab ayaa ka soconaya qaybo ka mid ah Waqooyiga Mudisho,iyadoona Xarakadda Al-Shabaab ay ku siqayaan fariisimaha ay Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Isgoys-ka Jubba.
Dagaaladda Xoogooda ayaa ka soconaya Degmooyin-ka C/casiis,Shangaani iyo kuwo kale,iyadoona Hugun-k Madaafiicda laga maqlayo guud ahaan Muqdisho.
Afhayeen-ka Ciidanka Al-Shabaab C/raxmaan Abuu Muscab ayaa goor dhaweyd xusay innay guulo ka gaareen Dagaalka Maanta,isagoona sheegay innay la wareegeen Dhismihii Wasaaradduu hore ee Boostadda iyo Isgaarsiinta iyo Hoygii uu Muqdisho ka daganaa Maxamed Dheere.
Sikastaba ha ahaatee Dagaalka oo galay Maalintii Sideedaad ayaa la xaqiijiyay innuu ka dhashay khasaare baaxad leh oo soo gaaray Dadka Rayid-ka ah iyadoona la ogayn khasaaraha rasmiga ah.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









