Ciidamo Ethiopi-yaan Ah Oo Gudaha U Galay Soomaaliya
Ciidamo Ethiopi-yaan ah oo ku Hubaysan Tabaabaad-ka iyo Gaadiidka Qafilan ayaa gudaha u galay Dalka Soomaaliya,sida ay innoo xaqiijiyeen goob joogayaal ah oo ku sugan Gobalka Hiiraan.
Milateri-ga Ethiopi-ya oo ay horboodayaan Saraakiil Soomaaliya ayaa ka soo gudbay Xadka Ethiopi-ya iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan Gobalka Hiiraan,waxaana ay u muuqdaan kuwo feejignaan buuxda ku jira.
Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna oo ka gaabsaday in Magaciisa la xuso ayaa sheegay innay Ciidamadaan u socdaan sidii ay u wiiqi lahaayeen Awooda Al-Shabaab oo dar dar xoog leh la soo baxay.
Sikastaba ha ahaatee Ra-iisul Wasaaraha Ethiopi-ya ayaa dhawaan ka dhawaajiyay innay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya haddii qiil qiil la galiyo Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









