Kulan Afar Geesooda Oo Ka Dhacay Aqalka Madaxtooyda Somaliland

Source: Reported by Qaasim
2010-08-30

 Hargeysa (Waryatv.com), Kulan balaadhan oo  maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.

 

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda   ay badhkood qabyo yihiin. 

 

 

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-

 

 

1.    Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )

2.  M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)

3.  Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida  Sh. Axmed Nuux

4.  G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali

      5.  G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax

 

 

 

 

6.  Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka  Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed  

      7.  Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele

8.  iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah

- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil

- Faarax Abiib Aadan

      9.  Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe

10.  G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf

11.  Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen

12.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

13.  G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir

14.  G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye   C/raxmaan Talyanle

15.  Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige

16.  Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB)

17.  Wasiirkii Hore Maaliyada  Cawil Cali Xuseen Xisbiga  ( UDUB )

18.  Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ALLAA           MAHAD         LEH

 

 

 

 

 

 

 

C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

   AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

 

 

Xafiiska wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

qaasim

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com