Biyo La’aanta Hargeysa Oo Toban Jirsatay

Source: Reported by Qaasim
2010-08-30

Hargeysa (Waryatv.com), magaalada Hargeysa oo hada la ciir ciiraysay dadweyne aad u tiro badan ayaa sanadkan 2010-ka la toban jirsatay biyo la’aan soo food soortay sanadkii 2000.

 

Tan iyo sanadkii 2000 waxaa magaalada Hargeysa ka bilaabmay biyo la’aan isa soo taraysay, waxaana xiligaas dalka hogaaminaayey Rabi naxariistiisa ha siiyee madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Biyo la’aanta ayaa noqotya mid la toban jirsatay seddexda xukumadood ee soo maray Somaliland, taas oo la odhan karo waxay sii hurin kartaa biyo la’aan laga dareemo guud ahaan Somaliland.

 

Marka laga hadlaayo maamulada kala duwan ee soo caga dhigtay kursiga talada dalka, ayaa u muuqda kuwo ay hoos martay baahida baahsan ee dhanka biyaha sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

 

Marka aad eegto xaafadaha ku yaala magaalada Hargeysa qaar ka mid ah waxaad ka dareemaysay darxumo dhanka biyaha ah, waxaanad meelaha qaar ku arkaysaa dadkii oo dooxa weyn ee Hargeysa ka dhuranaaya biyo laba habeen ama in ka badan dooxa maray, kuwaas oo ay ka dhalan karaan xanuuno  badan oo laga qaadi karo saxo xumo dhanka biyaha.

 

In kastoo dadka qaar ay ilaa wakhtigaas (2000) ay ku noolaayeen biyaha laga keeno dooxa iyo meelaha la midka ah, sida aw barkhadle iyo ceelasha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ay keenaan booyado gaar loo leeyahay, isla markaana ka ganacsada.

 

Mar aanu maanta galinkii hore socod lug ah ku soo marnay dooxa weyn ee magaalad Hageysa qayb ka mida, ayaa kaamarada Waryatv isha ku dhufatay xaalada biyo la’aaneed ee ka jirta caasimada Hargeysa.

 

Sawirka hoos ku xusan waxaa ka muuqda qoysas ka dhaan-sanaaya dooxa dhexdiisa iyo kuwo iyagu dhar ku dhaqanaaya, taas oo ka turjumaysay biyo la’aanta ka jirta xaafadaha ay qoysaskaasi ka soo jeedaan.

 

Dadkan dooxa ka dhaansanayaa ayaa ah kuwo aan sidaas uga fogayn badhtamaha magaalada hargeysa, waxaanay qaarkood ay la jaar yihiin goobaha dawlada sida, wakaalada laydhaka ee Hargeysa, taliska ciidan Booliska, xerada ciidanka ee Birjeex, iskuulka faarax oomaar.

 

Lama odhan karo hargeysa guud ahaan biyo la’aan ayaa haysa balse waa xaafado ka mida degmooyinka hargeysa.

 

Isku soo wada xooriyoo maamulka cusub ee loo magacaabay wakaalada biyaha ayaa ilaa hada waxa ay shacabku ka sugayaan sidii u wax uga qaban lahaa biyo la’aanta dabada dheeraatay.

 

 

 

Xafiiska wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

Qaasim

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com