Bridgye Bahoku' Askarteena 4 Dhimasho 8-na Dhaawacay
Afhayeen-ka Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Bridgye Bahoku ayaa sheegay innay geeryoodeen 4-Askari oo ka tirsan Ciidamadooda halka laga dhaawacay 8- kale xilli ay ku sugnaayeen Xarunta Madaxtooyadda.
Bridgye Bahoku ayaa xusay innay Ciidamadaan Dhimashadda iyo Dhaawacu soo gaartay xilli ay ku sugnaayeen Xarunta Madaxtooyadda oo Madaafiic Haboow ahi ku habsatay.
Dhimashadda iyo Dhaawaca soo gaaray Ciidamaddaan ayaa imaanaya xilli Dagaalo iyo Duqaymo Xoogani ay Maalintii Sideedaad ka socdaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sikastaba ha ahaatee Afhayeenka Ciidan-ka ee Xarakadda Al-Shabaab ayaa goor sii horaysay sheegay innay dileen Askar ka tirsan Ciidamadda AMISOM.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









