Obama Oo Ka Xumaaday Safarkii Al-Bashiir Ee Kenya
Madaxweynaha Dalka Maraykan-ka Barack Obama ayaa ka xumaaday Safarkii lama filaan-ka ahaa ee uu Madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir uu ku yimid Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Barack Obama oo Warbixin Qoraal ah ka soo saaray Aqalka Cad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Safarkii Al-Bashiir uu ku tagay Magaaladda Nairobi.
Marti qaadkii Kenya ay u fidisay Madaxweynaha Suudaan ayaa ku tilmaamay Obama mid filan waa ah oo loogu tumanayo Go'aankii Maxkamadda Caalamiga h ee lagu soo qabanayay Al-Bahsiir.
Dalalka Caalam-ka ayaa waxaa guux ku abuurtay Booqashaddii Al-Bashiir uu ku tagay Dalka Kenya.
Sikastaba ha ahaatee Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa Kenya si lama filaan ah uga qayb galay Xafladdii lagu soo dhaweeynayay Dastuur-ka Cusub ee ay yeelatay Kenya.
WaryaTv Nairobi-Kenya









