War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah

2010-08-30

 

Warya TV- Madaxweynaha DKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in taageero deg deg ah la siiyo dawldiisa. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska Stockholm ee Warya TV ayaa sida u dhignaa:

War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah

(Mogadishu-Somalia-August 28, 2010) Iyada oo maanka lagu hayo weerarkii isqarxinta ee lala eegtay Hotel Muna 24-kii August 2010, oo galaafatay nolosha dad Soomaaliyeed oo rayid ah oo gaaraya 30 qof, oo ay ku jiraan afar xildhibaan. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa cusbooneysiiyay dalabkiisa ku aaddanaa in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo arrimaha Soomaaliya, maadaama xagjirka Alshabaab  ay u dhar-dhigteen ololahooda argagaxisonimo. “Sax ma aha in Soomaaliya kaligeed lagu daayo ka hortagga Alshabaab iyo Alqaacida oo jaalkood ah, maadaama  Soomaaliya ay imanka uun kasoo baxayso 20 sano oo burbur, qas iyo jahawareer siyaasadeed ah.” Ayuu ku yiri Madaxweyne Sheekh Shariif war murtiyeedkiisa.

Marka la eego weerarkii is-qarxinta ee July 11-keedii lala eegtay Kampala, iyo weerarkii Mogadishu ee Alshabaab iyo saaxiibadood ay abaabuleen, waxaa muuqata in argagaxisadu ay qorshaysteen in ay carqalad iyo xasilooni la’aan ku camimaan gobolka Geeska Afrika oo dhan iyo ka fogba. “Dowladda Soomaaliya, waxa ka go’an, dib-u-yag-leelka sharciga iyo kala-dambeynta Muqdisho, iyo in ay gaashaanka u daruurto Alshabaab iyo kuwa taageera ee wata afkaaraha nidaam-diidka ee ku xiran xagjirnimada oo ay fidiniyaan, ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. “Inkastoo ay jiraan culeysyadaas, waa inaynaan waligeen illoobin in guushu ay u baahan tahay istaraatijiyad iyo u dhabar-adayga hawsha.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hase yeeshee, in si dhaba looga hortago argagaxisda, dowladda waxa ay u baahan tahay kaalmada bulshada caalamka.

Sida ayba qirtay dowladda Mareykan dhawaan, Alqaacidada ku sugan carriga Carabta ee ay xuddun tahay waddanka jaarka inala ah ee Yaman  ayaa ka khatar badan ta ku sugan Bartamaha Pakistaan. Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in Pakistan -- sida Afghanistan iyo Ciraaq oo la ildaran tumaatida argagaxisada -- ayaa waxay helaan taageero wax ku ool ah marka laga hadlaayo dhinaca dhaqaalaha, lojistikada iyo qalabka militariba. Dowladda Soomaaliyeed ma haysato taageero la mid ah ama u dhaw taa, mana laha ilaha dhaqaalaha dowladahaas leeyihiin oo kale. Isla markaasna, “dowladda Soomaaliyeed ayaa waxay wajahaysaa cadow la mid ah, waaba haddii uusan ka khatar badnayn.” Ayuu Madaxweynuhu xusay.

 Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in ilaha dhaqaale yaryihiin ayay ciidamada dowladda FKM ahi ku mintideen difaacidda meelaha halbawlaha u ah dowladda, kana go’antahay inay jabiyaan Alshabaab.  “Maadaama kooxa nabad-diidka ahi ay wadaan khatar isaga gudbaysa xuduudaha ayay dowladda Soomaaliya mar kale ku celinaysaa dalabka ah in lala soo gaaro taageero caalami ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Warfaafinta Madaxtooyada

Email: media@sompresidency.org

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com