Toljecle Waxaa Uu u Tanaasulay Danta Qaranka, Hormuudna Ka Noqon Mayno Mucaaridka Tubta Ku Soo Jira

2010-08-30
Hadii aanu nahay Beesha Ahmed Sheikh Isaq Toljecle oo si weyn u saluugsanayd 
saami qaybsigii beelaha ee golaha Wasiirada, oo aanan ka helin xaqii aanu
lahayn iyo balantii na loo qaaday oo aan midna lanoo fulin, waxaanu anagoo
waafajinaynaa doonistayda xaqeed ku soo bandhignay saxafada cabasho aanu ka
muujinay arintaasi, waxaase iyana aan laga tagi karin in dalku wax yar ka
dib guushii lama ilaawaanka ahayd hadana dalku si lama filaana uu madexa ula
sii galayo arin murugo siyaasadeed leh taaso ku imanaysaa Maamuulka cusub oo
noocyo badan leh, dano gaara iyo kuwa shisheeyo lehba ay is dhex socdaan.

Waxaanu beel ahaan qaadanay mowqif aanu ku liqnay wax kasta oo tabasho ah oo
aanu ka tirsanayn Madexweynaha, Anagoo indho dheer ku eegaynaa ifafalaha aan
wanaagsanayn iyo hadalada aan tudhsiimaha lahayn ee laysku marinayo
saxafada, taaso keensan karta cidhib xuno aad u weyn oo galaafan karta
haykalka dawladnimo ee aynu wada hadhsanayno, Waxaanu si saraaxadleh u
cadaynaynaa in aanu hore iyo danbaysaba Madexweynaha hiil iyo hooba kula
garab taagan ahay hogaanka uu dalka u hayo, anagoo wakhti siinaynaa ku
haboon in uu wax badan oo dawliya hagaajiyo isagoo aanu u rajaynayno in mar
walba ku sugnaado tubta wada tashiga iyo isku keenista iyo isku soo
dhawaanshaha dadka. Oo aan cidlo cidna looga tagin keensan karta in ay cid
kale ka faaiidaysato.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan beelaha kale ee aanu walaalaha nahay in ay si
wayn uga foojignaadaan dhamaanba wax kasta oo keeni kara is fahan daro,
neceb iyo hadalo qalqalafsan oo dadka wada dhashay kala dhex dhigi kara
cuqdad iyo cadaawad, waxaana mar walba mihiima in aynu xaqeena ku raadsano
wadada sharciga walaaltinimada is xaqdhowrka iyo in aynu ahaano dad aan kala
tagayn iskuguna tudhno Odhaahda iyo hadalka wanaagsan oo ah ka macruufka ah
sadaqa noqon kara.

Waxaanu Beel ahayn soo dhawaynaynaa waxkasta oo dan u ah umada iyo shacbi
weynaha Somaliland, Golaha xukumadana waxaanu si adag ugula dar daarmaynaa
in ay ka foojignaato dibano halisa oo loo maleegayo, Madexweynaha waxaanu
leenahay xidhiidhka sooyaalka ah ee inaga iyo Ethiopia waa lama taabtaan waa
wax ku dhisan wada jirka labada dal waa in sida ugu dhakhsaha badan
Madexweynuhuu ugu hawl galaa in uu ka Ilaaaliyo waxkasta oo keensan kara is
fahan daro soo kala dhex gasha labada dal. Waxaanu Madexweynaha iyo
maamuulka cusuba leenahay Ilahay haydin ku garab galo xilka culus ee laydin
saaray, Umadan waxasa deeqa cadaalad taas oo si weyn laydinka sugayo in
aydun oofisaan oo aan la arag cid Cadalad daro lagu xidho iyo cid la
dulmiyo midna.


Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Beesha Ahmed Sheikh Isaq Toljecle gudo iyo
dibadba in ay iska iloobaan wixii dhacay oo ay hore uga socdaan halka maanta
la marayo oo ay taageeradii ay u hayaan Madexweyne Siilaanyo sii libin
laabaan iyagoo ka duulaya aragtida ku salaysan in dalkan galayo xaalad adag
oo loo baahan yahay midnimo iyo in gacmaha lays qabsado si loo wada
Ilaashado Qaranka Somaliland, taaso oo aan looga maarmi karin cidnaba,
Somaliland waxay gashay wakhti xasaasiya maamuulka cusubna wali salka ma
dhigan mana socod baran inta uu cagta si fiican ula helayo wadada waxaa inoo
balan ah dhamaan Beelaha Somaliland in ay waxkasta oo keeni kara kala
kaxayn, kala fogayn iyo shaki la kala dhex dhigo dadka walaalaha ah laga
fogado iyadoo waxkasta oo tasasho ah oo jirtana lagu dhameeyo xaal mastuur
iyo in la ogaado in aynu nahay Qaran curdina oo wax kasta oo la gaadhsiiyaa
damqayaan. Waxaanu markale ogaysiinaynaa dhamaan shacbi weynaha reer
Somaliland in aan Toljecle qayb ka noqon doonin Mucaaridka Ma naxaha ee la
hurinayo wakhtigan Dawladana uu kala qayb qaadayanaayo hawsha qaran ee loo
igmaday. Yahayna U Muxaafid danta qaranka iyo wada jirka Umada Mucaaridna Ku
Yahay Waxkasta Oo Dumimnaya Qaranka Somaliand Iyo Wada Jirkeeda. Somaliland
Guul Allow Garabkeeda Hay


Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle
Axmed Ali Khayre
Sweden
axmedkhayraad@hotmail.com
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com