Barcalona Oo Badisay Iyo Real Madrid Oo Hakad La Geliyay
Horyaalka dalka Spain ayaa si toos ah ugu bilowday garomada kala duwan ee dalka Spain iyada oo kooxda difaacanaysa horyaalka Barcalonana ay guul baaxad weyn ku bilowday ciyaarteedii furitaanka.
Kooxda Barcalona oo ciyaar iska jilicsan la dheeshay kooxda
Racing Santander iyada o ku sagootisay sidex iyo waxbaa Daqiiqadihii 4-aad 31-aad iyo 63-aad ayaa golshaasi waxa u kala dhaliyay L.Messi A. Iniesta iyo David Villa.Ciyaartii inta badan dadka yaabku ku abuurtay waxa ay ahayd tii dhex martay kooxaha Real madird iyo Mallorca.
Kooxda Real madird oo dib u casriyeyn xoogleh lagu sameeyay xili ciyaareedkan yeelatayna Macalin cusub ayaa si kastoo ay sameysay dhulka dhigi weysay kooxda Mallorca oo ugu danbeyn ciyaartooda kusoo dhamatay bar bar dhac goolall la'aan ah.
Ciyaarihii kale ee horyaalka Dalka Spaian ee la ciyaaray waxa ka mid ahaa
Sevilla oo 4 kag awood roonaatay Levante kooxda Valencia waxa ay 3 iyo 1 ay ku dubaatay kooxda Malaga.
Espanyol 3 iyo 1 ugu xoog sheegatay Kooxda Catafe, Real Sociedad waxa ay 1 kaga badisay kooxda Villarreal.
Kooxda Atletico Madrid 4 gool oo ay u kala dhaliyeen J.M. Jurado Forlan oo labo dhaliyay iyo Simao ayay kaga wood roonaatay kooxda Sporting Gijon.
Inta badan kooxaha waweynaa marka laga reebo kooxda Real madird waxa ay heleen natiijo fiican horyaalka dalkan Spain.
Horyaalka Talyaaniga.
Horyaalka dalka talyaaniga oo isna bilowday ayaa kooxahii waaweynaa qaarkood dhuunta looga halka qaar ka kalena ay si fudud ku badiyeen.
Kooxda Ac Milan ayaa si dhib la'aan ah 4 gool uga badisay kooxda Lecce 2 ka mid ah afartaasi gool waxaa dhaliyay Pato Silva iyo Inzachi ayaa raacsaday labada gool ee soo hartay.
waana guul ay sanadkan ku helo karto horyaalka dalka Talyaaniga.
Kooxda Roma ayaa bar bar dhac goolall la'aan ah la gashay kooxda Cesena halka kooxda Juventuus guul daro aysan fileyn kala kulantay kooxda Bari oo ugu awood roonaatay gool iyo waxba.
ciyaartii muragada reebtay waa tii dhex martay kooxda difaacanaysa horyaalka talyaaniga ee Inter Milan iyo kooxda Bologna oo 90kii daqiiqo kusoo dhamaatay bar bar dhac goo lal la'aan ah tasina waxa ay hoos u dhac ku nooqnaysaa kooxda suurta gal nimada in ay inter difaacato horyalka talyaaniga.
Natiijooyinkii kale ee horayalka Talyaaniga
Chievo
2 - 1 CataniaFiorentina
1 - 1 NapoliPalermo
0 - 0 CagliariParma
2 - 0 Brescia FTSampdoria
2 - 0 Lazio
Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









