Uganda Oo 10-Kun Oo Askari U Diraysa Soomaaliya
Xukumadda Kampala ayaa Shaaca ka qaaday innay 10-Kun oo Askari ay u soo Xambaarayso Dalka Soomaaliya,si ay uga mid noqdaan Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u joogga Muqdisho,haddii ay ogolaansho ka helaan Xukumadda Warshinton.
Taliyaha Ciidamadda Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay iney diyaariyeen 10 kun oo ka tirsan ciidamadooda keydka ah oo gaaraya illaa 100 kun oo askari, wuxuuna taliyahaasi sheegay iney ciidankaasi u diyaariyeen iney u diraan dalka Soomaaliya . balse waxa uu sheegay iney dhowrayaan balan-qaad la xariira dirista ciidamadaasi oo ay ka sugayaan dowladda Mareykanka.
Maraykanka ayaa ah dalka kaliya ee taageerada ugu badan siiya howlgalka Amisom ee Magaalada Mqudisho, iyadoo aan la ogayn sida ay dalabka u aqbali doonto Xukumada Madaxweyne Obama oo isha kuhaya Gobolka Geeska Afrika.
Taliyaha Waxaa uu walaac ka muujiyay gaabiska taageerada beesha caalamka iyo dib u dhaca ay sameeyeen dowladihii ku haboohay in ay ciidamo ku soo biirinayaan howlgalka AMISOM.
Sikastaba ha ahaatee Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa wuxuu sheegay in ay suurta gal tahay arrimahaasi in ay keenaan in Uganda go'aan ka gaarto joogitaanka mudada dheer ee ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.
WaryaTv Nairobi-Kenya









